Allbanaadir.com
NEWS

Putin oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta (Sawirro)

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa isagoo wata afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Ruushku leeyahay gaaray Bariga Dhexe gaar ahaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka safar naadir ah oo uu dibadda ugu baxay tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine, wuxuuna inta uu ku guda jiro safarkiisa uu kala hadli doonaa madaxda dalkaas arrimaha saliidda, xaalada Gaza

Diyaarada uu la socday hogaamiyaha Kremlin-ka ayaa waxaa hareero taagnaa diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi-35S, iyadoo ay dhinac socotay diyaaradiisa gaarka ah oo lagu magacaabo Ilyushin-96 oo ka soo duushay Ruushka.

Amiirka Imaarada Abu Dhabi, Madaxweyne Shiikh Mohammed Bin Zayed Al-Nahyan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha halkaasoo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey.

“Xiriirkayga wuxuu gaaray heer aan horay loo arag,” ayuu yiri Putin oo  sheegay in Imaaraadku uu yahay dalka ganacsiga ugu weyn uu kala dhexeeyo Ruushka marka la eego  dunida Carabta”

Wafdiga Ruushka waxaa ka mid ah kuwa ugu sarreeya saliidda, dhaqaalaha, arrimaha dibadda, hawada sare iyo saraakiisha tamarta nukliyeerka.

Imaaraatka kadib, Putin ayaa lagu wadaa inuu u safro Sacuudiga si uu kulan fool ka fool ah ula yeesho dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman tan iyo bishii Oktoobar 2019. Booqashadiisa ugu dambeysay ee gobolka waxay ahayd Julay 2022, markaasoo uu la kulmay hogaamiyaha Sare ee Ayatollah Ali Khamenei ee Iran.

Ilaa hadda ma cadda waxa uu Putin damacsan yahay inuu si gaar ah ugala hadlo arrimaha ku saabsan saliidda ama siyaasadda juquraafiga amiirka dhaxal-sugaha ah ee sacuudiga

Safarka ayaa ku soo aaday maalmo ka dib markii uu dib u dhac ku yimid shirkii muhiimka ahaa ee ururka OPEC+ oo ay ku jiraan dalalka saliida u iib geeya caalamka.

Putin, oo u dambeeyay booqashadiisa gobolka bartamihii 2022, ayaa lagu wadaa in uu Moscow ku martigeliyo dhiggiisa Iran Ebrahim Raisi Khamiista.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista…

Cabdi Cade

Cabsi lasoo daristay Soomaalida kunool Dalka UK kadib dilkii Xildhibaan David Amess

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo Milatari ah oo la geeyay Degmo Al Shabaab Go’doomiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade