Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Al-Shabaab oo ka baxay degaano ka tirsan Mudug & dad u xirnaa oo caawa..

Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya inay Khawaarijta ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen aagga deegaanada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo u ahaa fariisin xoogan oo ay kasoo abaabulaan weerarada.

Kooxda Al-shabaab ayaa Xabsiyada ka sii daayay qaar ka tirsan Maxaabiis badan oo ay u haysteen Madax furasho ka dib Cabsi kasoo fool saartay  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka xoogga dalka

Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug ayaa Caawa lagu soo Bandhigay 6 ka mid ah Maxaabiistii al-shabaab madax furashada u haysteen kuwaasoo ka mid ahaa 11 Qof oo shacab ahaa oo ay 2021 ka Afduubteen  Miyiga Degmada Wisil iyaga iyo Boqolaal Geel ah.

Dadkaas oo ka soo jeeday beesha Sacad ayaa xiligaas waxay Alshabaab ugu hanjabtay beeshaas iney leyn doonaan dadkaas hadii aysan ka bixin dagaalka, hase ahaatee beesha Sacad ayaa ku gacan seyray dalabkaas

Qaar ka mid ah 11 qof ayey alshabaab dileen halka qaar kalena ay cuduro iyo dhibaatooyin kale u geeriyoodeen intii ay gacantooda ku jireen sida ay sheegeen 6 qof ee caawa la soo bandhigay

6-da Qof ee caawa lagu soo bandhigay deegaanka Bajeelada waxaa ku jira 2 wiil oo saqiiro ah oo alshabaab afduub u haysatay in ku dhow 3-sano.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA RAGA LA SII DAAYEY

Related posts

Ciidamada Ruushka oo galay Kharkiv iyo dagaal culus oo ka socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Sacuudiga oo ku guuleystay Martigelinta Koobka Aduunka sanadka 2034

Caydiid Ali

Dowlad degaanka Soomaalida oo 4 qodob ka soo saaray kala dirida Ciidanka Liyuu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---