Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabad sugida Somaliland oo sheegtay iney qabatay basaasiin u shaqeynayey..

Somaliland ayaa sheegtay inay Ciidankooda gacanta ku dhigeen Afar nin oo lagu eedeeyey iney basaasiin u yihiin Ciidamada SSC Khaatuma ee dagaalka kula jira.

War kasoo baxay Hay’adda Nabad sugida Somaliland ayaa lagu sheegay in, iyagoo kaashanaya laamaha kale ee nabadgelyada degmada Oog ay ku qabateen rag la Shaqeeynayay SSC.

Nabad sugida Somaliland ayaa waxay ku kala sheegtay Magacyada ragga ay qabteen  Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim.

Raggan waxay ka mid ahaayeen shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee xogaha amniga siin jiray kooxaha huwanta ee ka dagaalama Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal hay’addu ku baahisay Barteeda X.

Hadalkan kasoo baxay Somaliland ayaa ku soo aadayaa xilli weli degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sool ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Soamliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo oo dagaalo culus ay horey u dhexmareen.

 

Related posts

War Deg Deg ah: Taliyaasha Ciidanka dowlada oo Shir Jaraa’id qabtay kana hadlay Ciidankii Jawaari uu ….

Cabdi Cade

Dunida oo Heshay Tallaal Rajo Leh oo wax kataraya Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo kasoo jeeda dalka Itoobiya oo Maganglyo weediistay dowlada Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---