Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo shaacisay tirada shaqaale hor leh oo looga dilay duqeymaha Gaza

Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza – UNRWA – ayaa xaqiijisay dhimashada 19 kale oo shaqaalaheeda ka mid ah

UNRWA ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka iyo goorta 19ka qof ee dheeraadka ah lagu dilay.

Wadar ahaan shaqaalaha UNRWA ee la dilay tan iyo 7dii Oktoobar, waa 130 qof” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay

Hay’addu waxay sheegtay in ku dhawaad ​​hal milyan oo qof oo barakacayaal ah ay ku hoydaan 99 ka mid ah xarumaha ay ku leedahay bartamaha iyo koonfurta Qaza oo ay ku jiraan deegaanada Khan Younis iyo Rafah.

Waxa ay sheegtay in mid ka mid ah iskuuladeeda ku yaala Deir Al Balah ee bartamaha Gaza ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyntii Axadii, halka iskuul kale oo ku yaala Khan Younis ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyn kale, halkaasi oo ay ku dhinteen afar qof oo barakacayaal ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ku gacan seyray wararka sheegaya in laga yaabo in hay’addu ay xeryo cusub ka furto magaalada Rafah ee ku taalla xuduudka Masar, halkaasoo ay u qaxeen kumanaan qof oo ku barakacay Qaza.

“Eedaha sheegaya in Qaramada Midoobay ay leedahay kumanaan teendho ah ayna qorsheynayso inay xeryo qaxooti cusub ka furto Rafah waa been,” ayuu yiri.

“Ma jirto meel nabdoon oo ku taal Gaza, hadday tahay koonfurta ama woqooyiga’.” ayuu intaas ku daray.

 

Related posts

Sidee Fahad Yaasiin uga jawaabay Su’aalo xasaasi ah oo lagu weydiiyey kulankii Baarlamanka?

Caydiid Ali

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la gudbinayo & ciidamada Gorgor oo ku sii jeeda..

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo War kale oo cusub ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee Ex-Control

Caydiid Ali
Taboola Ads ---