Al-Shabaab oo War kale oo cusub ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee Ex-Control

Al-Shabaab ayaa soo Saartay War Saxaafadeed ay ku faahfaahinayso Khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Bayaan ku qoran luqadaha English-ka iyo Carabiga ayaa waxaa lagu sheegay in isku geyn dadka ku dhintay weerarka ay yihiin 84 qof, waxayna Al-shabaab dadka rayidka ah ee dhintay weerarkan tiradooda ku soo koobtay 23 qof, waxaana lagu sheegay bayaanka in inta kale ay yihiin dhinacyadii weerarka lala beegsaday.

Sida ku xusan qoraalka Al-shabaab dadka ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxan ayaa u qeybsan sidatan:-

1-Muwaadiinta turkiga (4)

2-qandaraas-layaasha ciidamada Turkiga (4)

3-Ilaalada Turkida (12)

4-Turjume Turkida (1)

5-ciidanka booliska ee Ex-control (21)

6-ciidamada kale ee dowlada (6)

7-Sirdoonka NISA (9)

8-Masuuliyiin dowladeed (4)

9-shacabka 23

10-dhaawacyada (69)

Marka laga yimaado sheegashada Al-shabaab, Warar madax banaan ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku dhinteen dad ka badan 90 oo ay ku jiraan labo Injineer oo Turki ah iyo ilaalo kooban oo la socotay, iyadoo dadka dhaawacmayna ay gaarayaan 150 qof sida lagu ogaaday xogo laga helay isbitaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA AL-SHABAAB

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -