Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Xamse Barre oo dhagax dhigay garoonka cusub ee dayuuradaha degmada..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii waxbarashada.

Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa.

Related posts

Farmaajo iyo Kheyre oon ka qeyb galin xuska aas aaskii Ciidanka Booliiska iyo Sababta oo …

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Mukhtaar Roobow iyo Culimada Ahlu suna?

Caydiid Ali

Maxay Somalia soo bandhigtay Maalintii labaad dhegeysiga dacwada Badda?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---