Farmaajo iyo Kheyre oon ka qeyb galin xuska aas aaskii Ciidanka Booliiska iyo Sababta oo …

Waxaa maanta garoonka kubada cagta ee Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu xusayay sanadguuradii 76-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayay in midkood maanta ka qeyb galo munaasabada ka dhacday garoonka Eng Yariisow ee lagu xusayay aas aaska ciidanka booliiska.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa uga baaqsaday ka qeyb galka xuska aas aaska ciidanka booliiska sababo dhinaca amaanka ah, waxaana la sheegay in labada masuulba ka cudur daarteen ka qeyb galka munaasabada.

Munaasabada waxaa ugu darajo sareeyay masuuliyiintii ka qeyb gashay Wasiirka amniga gudaha  Maxamed Abuukar Islow oo ciidanka booliiska hoostagaan wasaaradiisa, waxaa sidoo kale munaasabada ka qeyb galay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Waxaa lagu tilmaamay munaasabadan maanta lagu xusayay aas aaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed in ay aheyd midii ugu maamus yareyd munaasabadihii ka horeeyay oo inta badan ka qeyb gali jireen Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaaraha midkood.

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaana maanta u tahay maalin u gaar ah oo ay u dabaal degayaan xuska aas aaskooda kasoo wareegay 76-sano, waxa ayna booliiska kaalin muhiim ah kaga jiraan ciidanka uu leeyahay Qaranka Soomaaliya.

 

- Advertisement -