Haweeney caawa isku daldashay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Haweeney ka tirsaneyd qoys degan degmada Yaaqshiid gaar ahaan agagaarka daarta Wiif ayaa caawa isdal dashay sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskeeda.

Xaawo Cali Maxamed ayaa aheyd qof Xaas ah, waxayna ehelkeeda sheegeen in Gurigii ay deganeyd ay isku soo xirtay kadibna ay Xarig u isticmaashay dilkeeda.

Mahad Cabdulle Macow Maxamed oo ay Ilmo Adeer yihiin Haweeneyda isdishay ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka ay isku dishay Walaashiis isagoo xusay iney qabtay xanuunada ku dhaca maskaxda.

“Guriga anigoo ka maqan ayaa la i soo wacay oo la ii sheegay in walaashey ay isdishay, qolkeeda ayay dhexda ka soo xiratay kadibna xarig ayay isku daldashay xiligaas Ninkeeda shaqo ayuu ku maqnaa aniga ayaa u imid oo xarigii ayaan ka furay, waxaana aaminsanahay in xanuunkii maskaxda ka haayey sanadkii u dambeeyey uu ku soo darsaday” ayuu yiri Mahad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay u geysatay carruurteeda oo ah laba Wiil ah isla markaana meydkeeda ay geeyeen Xarunta dembi-baariista ee CID-da oo uu ku amray taliyaha Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Falka ay isku daldalshay haweeneysan ayaa waxaa ka naxay eheladeeda iyo dadka qoyskaas deriska la ahaa oo caawa buux-dhaafiyey gurigeeda, marka laga tago hadalka walaalkeedna lama oga sababta dhabta ah ee ay haweeneysan ku xambaartay iney nafta isdhaafiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -