Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay baaritaanka dilka Jamal Khashoggi

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey  xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbuul mid niyad jab ah.

Saraakiisha Turkiga ayaa in Jamal Khashoggi  oo ahaa nin dhaliila siyaasada Sacuudiga in lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda ka dibna meydkiisa la qariyey.

Mr. Erdogan ayaa sheegay in uu isagu shakhsi ahaan isha ku hayn doono baaritaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono natiijada ka soo baxda.

“Jamal Khashoggi waxa uu ahaa qodax ku taagan xukuumadda Sacuudiga, isagoo dhaliilay dhaqankeeda kadhanka ah mucaaradka iyo ku lug lahaanshaha dagaalka Yemen. Haddii ay caddaato dhimashadiisu, waxay xumaynaysaa oo uga sii daraysaa xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga “. ayuu yiri Erdogan.

Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii la soo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xiriira arooskiisa oo dhici lahaa.

Baaritaanka Turkiga ee hordhaca ah ayaa lagu sheegay in Suxufiga rugcadaaga ah ee Sucuudiga u dhashay lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga kaasoo ay ka qayb qaateen ciidamada Sacuudiga ee sida gaarka ah u tababaran.

Sucuudiga ayaa si wayn u beeniyay arintaas, isagoo sheegay in Mr Khashoggi uu dhismaha qunsuliyadda ka baxay Talaadadii balse arintaas shaki badan ayaa ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -