Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Maoobe oo Afmadow u tagay qiimeynta dhibaato halkaasi ka jirta (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha ka jira Jubaland.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu ugu kuur galo saamaynta dhibaatada ka jirta deegaanka gaar ahaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay saamaysay daadadka iyo fatahaadaha ka jira guud ahaan deegaanada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa inta uu joogo Afmadow la kulmi doona maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna ka xog wareysan doonaan baaxada fatahaada iyo saameynta ka dhalatay.

Deegannada maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku fatahay wabiga Jubba ee halkaasi mara, waxaana fatahaada ka dhashay daadad xooggan oo saameyn ballaaran ku yeeshay dadkii iyo duunyadii ku nooleyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan baaq u diray Saamileyda Siyaasada Somalia ee isku haya Doorashada

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo ka xumaaday Hadal caro dhaliyay uu Jeediyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Shir xasaasi ah oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---