James Swan baaq u diray Saamileyda Siyaasada Somalia ee isku haya Doorashada

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan oo maanta ka hadlay Shirka iskaashiga Soomaaliya iyo saaxibada Caalamka ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee muranka badan hada ka taagan yahay qabsoomideeda.

James swan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya in ay wada hadlaan ayna hehsiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo hirgalin lahaa doorasho si xur iyo xalaal ah u dhacda.

Waxa uu sheegay Swam in loo baahan yahay in doorashada noqoto mid loo dhan yahay oo cid walba qeyb ka tahay, waxaana uu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay shir isugu yimaadaan oo lagu xaliyo arrimaha jira.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in mar kale shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda federaalka & dowlad goboleedyada si loo hirgaliyo heshiiskii doorashada meeshana looga saaro mad madowga jira.

Doorashada Soomaaliya qabsoomideeda ayaa waxaa ka taagan muran xoogan, waxaana musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya kasoo horjeedaan guddiga loo magacaabay doorashada ay sheegeen in aysan dhax dhaxaad noqon karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -