Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo soo arkay bur burka Laami muhiim u ah isku socodka reer Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo masuuliyiin kale  ayaa xalay kormeer ku tagay wadada dheer ee isku xerta isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha oo waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay Roobabkii El-Nino ee ka da’ay Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha  Hodan iyo Howlwadaag ayaa halkaasi warbixin ku siiyay guddoomiye Madaale, xilli ay ku guda jireen dadaalo lagu hagaajinayo wadadaasi, si xal loogu helo bur-burka soo gaaray, iyagoona sheegay in dhawwaan lasoo gaba-gabeyn doonno qorshaha dib-u-dhis ee wadadaasi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay maamulada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinaayo sidii dib loogu dhisi lahaa wadadaasi, isla markaana isku socodka gaadiidka iyo bulshada uu si caadi ah ugu soo noqon lahaa.

Roobabka El-Nino ee ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay qasaaro isugu jira barakac, bur-bur iyo aafooyin kale oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo kaabayaasha isku-socodka dalka, iyadoona guud ahaan DFS, maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan sidii loo maareyn lahaa saameynta ka dhalatay roobabka El-Nino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciro oo ka hadlay sida uu wajahayo dagaalka ka socda Ceerigaabo

Caydiid Ali

Turkiga oo loogu deeqayo guryo KMG ah oo la dejinayo dadkii ku guryo waayay Dhul-gariirka

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey guddi ka kooban Shan xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---