Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) UK oo sheegtay iney hala arrin ka taageereyso Golaha shacabka Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacanka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingriiska Amb. Mike Nithavrianakis.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingriiska u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqeyn.

Waxaa uu sidoo kale danjiraha xusay in UK ay diyaar u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka taageerto dhameystirka Dastuurka KMG ah oo ay kalfadhigaan labada aqal ka shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo boggaadiyay dadaalka iyo taageerada Dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dalka ku talaabsanaayo horumaro kala duwan, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo in meel wanagsan uu maraayo dagaalka lagula jiro al-shabaab.

Related posts

Xadkii dhowaan la furay ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo mar kale la xiray

Caydiid Ali

(Sawirro) India oo celisay Madaxweyne hore oo dalkiisa ka soo cararay

Caydiid Ali

Nin Geeriyooday xilli uu gacalisadiisa biyaha hoostiisa guur uga dalbanayay !( Sawirrro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---