Xadkii dhowaan la furay ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo mar kale la xiray

Waxaa shalay la xiray goobta kaliya ah ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo ku taalla xadka labada dal gaar ahaan degaanka Bure-Assab.

Lamana garanayo sababta ka dambeyso in la xiro xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea oo dhowr bilood ka hor ay wadajir u fureen hogaamiyeyaasha labada dal ka dib muddo 25 sano ka dib sanado badan oo u xirnaa.

Waxay arrintani ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay wada gaareen labada dal oo lagu soo afjarayo colaaddii dhanka xadka.

Waxaa gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday degaanka xadka, labada dowladoodna weli arintan faahfaahin kama bixin arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -