Allbanaadir.com
NEWS

Nin xeer ilaaliye iska dhigay oo si yaab leh ugu guuleystay 26 kiis oo la xiray !

Nin Kenyan ah ayaa dhawaan xabsiga loo taxaabay kaddib markii la ogaaday inuu iska dhigay xeer ilaaliye wuxuuna guddoomay kiisas gaaraya 26 gal-dacwadeed oo uu isagu maxkamadda horteeda ku metelay dhinacyadii uu difaacayay! Waxaa yaab leh inuu xattaa ku guuleystay dhammaan kiisaskaas xeer ilaaliyayaashii kale ee kula loolamayay.

Brian Mwenda Njagi waxaa loo bixiyay Mike Ross-ka dhabta ah ee metelayay filimkii Suits kaas oo ku saabsanaa wiil yar oo aan wax-barasho aas-aasi ah mooyee aan heer sare ka gaarin tacliinta oo ka shaqo bilaabaya shirkad weyn oo sharci-yaqaanno furteen – isaga oo isla mar ahaantaana maareynaya inuu ku guuleysto kiisas badan.

Njagi oo tabtaas ka yara roon balse aan ku gaaroobin barashada cilmiga sharciga iyo qaanuunka, wuxuu ku guuleystay dhammaanba kiisaskii uu ku metelay maxkamadda horteeda! Qofna maanu dhaadeyn shaqsiyaddiisa dhabta ah wuxuuna u muuqday qof si qoto dheer jilinka ugu soo baxay ilaa markii dambe xaaladdu ku daba-gaddoontay!

Iskuulka  Law Society of Kenya oo cilmiga sharciga lagu dhigo ayaa bilaabay inuu tuhmo shaqadiisa kolkii dacwad ay kaga timid qofka leh magaca dhabt ah oo Njagi oo ku shaqeysan jiray oo la yiraahdo  Brian Mwenda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamul cusub oo loo dhaariyey Kastamka Canshuuraha dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan & dhigiisa Putin oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xalinta dagaalka Idlib

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo saldhig milatari ku sugan labo maalin (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---