Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Afrikan ah oo ugu baaqday maxkamadda ICC in ay soo xirto Benjamin Netanyahu

Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Isreal Benjamin Netanyahu ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, kaddib markii ciidamadiisa si arxan darro ah duqeyn ugu laayeen dad ka badan 12-kun qof oo shacab ah una badan carruur iyo haween.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC in ay soo xirto Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, si loogu qaado dambiyada dagaal iyo dhiiga shacabka uu daadiyay.

Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika Khumbudzo Ntshavheni, ayaa ugu baaqay ICC in ay soo saarto ammar lagu xirayo Netanyahu , waxa uu xusay haddii ICC aysan sidaa yeelin, ay muujin doonto “guuldarrida guud” ee maamulka caalamiga ah.

Waxa uu sheegay wasiirka in dunnida aysan sii daawan karin waxa ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa uuna tilmaamay haddii ay caddaalad jirto muhiim tahay in lasoo xiro Ra’isul Wasaaraha Isreal.

Dowladda Koonfur Afrika oo muddo taageersan qadiyada Falastiin , oo ay weheliyaan Bangladesh, Bolivia, Comoros iyo Djibouti, ayaa u gudbiyay maxkamadda ICC si ay u baarto in dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadminimada oo laga geystay Qaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay Boqolaal qof oo xaalku ku xumaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun Dal dalaad ah oo lagu fuliyay saddex nin oo u xirnaa dowladda Iran

Cabdi Cade

Xog ku aadan Sadexda Masuul ee Hogaamin doona Galmudug iyo Madaxda dowlada oo ka shiray (Magacyada)

admin
Taboola Ads ---