Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo shaaciyey in gacanta lagu dhigay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar xubnood oo ka tirsan Daacish.

Xubnahan ayuu sheegay iney yihin ajaaniib u wada dhashay u wada dhashay dalka Marooko.

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka ammaanka ee dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

Related posts

Guddoomiye Filish oo soo saaray amar ku socda Hotelada & Safaaradaha degan Muqdisho

Caydiid Ali

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Trump oo ka falceliyey cafiska uu Biden u fidiyey wiilkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---