Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ka falceliyey cafiska uu Biden u fidiyey wiilkiisa

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Trump ayaa ka hadlay cafis uu madaxweynaha xilka ka degaya, Joe Biden, u fidiyay wiilkiisa, Hunter Biden, kaasoo lagu waday in bishan maxkamaddu xukunto.

Wiilka Biden ayaa loo heystay dembiyo la xirriira inuu si sharci darro ah u heystay hub iyo canshuur khiyaameyn ah.

Madaxweyne Biden ayaa hore u sheegay, inuusan cafis u fidin doonin wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sanadaha ay maxkamaddu xukunto.

Donald Trump, ayaa cafiska ku tilmaamay “tacaddi iyo cadaalad dhicisoowday” iyadoo qaar kamid ah xubnaha Jamhuuriga ay Joe Biden ugu yeereen “beenaale”.

Joe Biden ayaa haatan noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo cafis u fidiyo wiilkiisa.

Hunter Biden, ayaa bishii Septeembar qirtay dacwaddan lagu soo oogay, waxaana lagu helay inuu isticmaalayay daroogo sharci darro ah, isagoo noqday canugii ugu horreeyay ee madaxweyne xil hayya oo dacwado lagu soo oogo.

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka ISDB-2023 oo ka furmay Jeddah (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo guddi cusub u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambo baxay dalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---