Allbanaadir.com
NEWS

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen, waxaana raggan lagu eedeeyay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen weerarada arbushaada ah ee Muqdisho laga fuliyo.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in labadan nin ee maxkamadda la horkeenay ay ahaayeen saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah oo la isticmaalo.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow ayaa maxkamadda sheegtay in Al Shabaab kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010-kii, waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka iyo jaasuusnimada ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Ninkan ayaa qeyb ka noqday sahminta dilal iyo weeraro arbushaad ah oo ka dhacay caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye ayaa isna kooxda Al Shabaab kaga biiray magaalada Muqdisho sannadkii 2022-kii, waxaana ku tashkiiliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.

Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta sahminta.

Qoslaaye ayaa ku fogaaday isticmaalka maan dooriyaha noocyadiisa kala duwan xitaa isagoo dhaawac ah kama baaqsan cabista Xashiishka oo ay si wadajir ah u wada cabi jireen saxiibkiis Baariyoow sida xeer ilaalinta maxkamadda.

Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha laba iyo labaatankii bishii December ee sannadkii 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay. Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka .

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Messi oo Go’aan Wadnaha jaray u gudbiyay Barcelona iyo Jawaab lama filaan ah oo la siiyay

Cabdi Cade

Daawo:-Hadalkii kasoo yeeray Guddiga kasoo talo-bixinta doorashooyinka oo cadeeyay in uu Fashilmay Shirka Dhuusamareeb!!

admin