Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Dagaalkii saakay ka dhacay Muqdisho

Waxaa saakay agagaarka Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ,kuwaa oo ku dagaalamay dhul halkaasi kuyaala oo la isku heesto.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamo milatari ah oo ku sugnaa dhulka la isku heesto iyo ciidamo kale oo booliis ah oo weerar ku qaaday dhulka muranka ka taagnaa oo la doonayay in la dhiso.

Afhayeenka ciidanka booliiska oo Warbaahinta kula hadlay Isgooska Banaadir ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay isgooska Banaadir uu u dhaxeeyay ciidamo maleeshiyaad ah uu sheegay in ay dhul isku heesteen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada booliiska ku baxeen maleeshiyaadka dhulka isku heestay halkaasna ku dagaalamayay, waxa uuna xusay in ciidamada aysan wax lug ah ku laheyn dagaalka ayna hada gacanta ku hayaan dhulka lagu dagaalamay.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo u badan, waxa uuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in dagaalka u dhaxeeyay ciidamo booliis ah iyo ciidamo kale oo milatari ah.

Dagaalka saakay ka dhacay Isgooska Banaadir ayaa saameyn ku yeeshay ganacsigii aagaasi ka jiray iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana dagaalkan saakay dhacay kusoo aaday xili dalka xaalad siyaasadeed ku jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -