Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo shaaca ka qaaday xiliga dowlada soo afjareyso dagaalka Al Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka dowlada ay rajo weyn ka qabto in dhamaadka sanadkan aan ku jirno lagu soo afjaro dagaalka dowlada kula jirto kooxda Al Shabaab.

Kheyre ayaa sheegay in dawladdu ay xoogga saartay hir-gelinta qorshaha amniga qaranka, sidoo kale la dardar-geliyay qorshaha isku-dhafka ciidanka qaranka iyo tirinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 ”Dawladdu waxa ay ku haminaysaa in sannadka dhammaadkiisa lasoo af-jaro dagaalka lagula jiro argagaxisada, waxaa lagu guuleestay tirinta ciidanka iyo tayadooda, ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in Booliiska Soomaaliyeed uu diyaariyay qorsha cusub oo amngia caasimadda Muqdisho lagu sugayo lana rejeynayo in uu oo miradhal noqdo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in mawaadin kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo in uu qaato dawrka uga aadan sudigga amniga dalka, si loogu guulaysto himilooyinka qaranka ee ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad waarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shir looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka dalka oo furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada “Magaalada Cadaado oo lagu soo gabogabeyay tababar ay ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliaya

admin

Daawo Video: Qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha Zimbabwe oo si live ah u dhacaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---