Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xalay Saqdii Dhaxe ka dhacday Kuunyo Barrow

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa looga hadlay duqeyn xalay saqdii dhaxe diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska Milateriga Mareykanka ee Africa qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyn dhanka cirka ah la beegsadeen xubin katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ayaa la sheegay in lagu dilay xubin katirsan Al Shabaab oo magaciisa la shaacin, waxa ayna taliska Mareykanka sheegeen in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka.

Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya deegaano iyo degmooyin ay maamulaan Al Shabaab, waxaana duqeymo badan ay horey Mareykanka u fuliyeen lagu dilay xubno sar sare oo katrsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -