C/wali Gaas oo sanad ka dib ku wajahan Garoowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maalinta beri oo Sabti ah la filayaa inuu ku laabto Magaalada Garoowe.

Gaas oo qoraal kooban bartiisa Facebook soo dhigay ayaa xaqiijiyay inuu Sabtida beri ah Garoowe ka degayo inkastoo uusan wax faahfaahin ka bixin safarkiisa.

C/wali Gaas ayaa dalka dibaddiisa ku maqnaa muddo wax yar ka badan sanad isagoo bilowgii Febraayo ee sanadkii 2019 ka dhoofay magaalada Garoowe kadib markii looga adkaaday doorashadii Puntland ka dhacday 8-January 2019.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in C/wali Gaas uu marti-qaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku casuumay ka qeyb galka Shirka Wada-tashiga Puntland oo lagu inuu 15-ka bishan Maarso ka furmo magaalada Garoowe sida horeyba loo iclaamiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -