Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuuliyiin la dardaarmay ciidan loo diyaariyey la dagaalka Al-shabaab (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur GalbeedĀ  mudane Xassan Cabdulqaadir Maxamed oo ay weheliyaan Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Taliyaha police-ka Koonfur Galbeed ayaa kormeer ugu tagey ciidanka police-ka gaarka ah Koonfur Galbeed ee Degmada Wanleweyn.

Wasiirka ayaa ciidan kula dardaarmey in ay isku diyaariyaan ciribtirka al-shabaab wejigiisa 2-aad oo dhawaan ka bilaaban doona Koonfur Galbeed.

Wasiirka wuxuu sidoo kale ku booriyey ciidanka isku xirnaanshaha iyo sida ay uga go’an tahay la Dagaalanka al-shabaab iyo difaaca dalkooda.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmey in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo isku dhaca dhexdooda ah, hadafkooda koowaadna ka dhigtaan la dagaalanka cadowga.

Related posts

Q/Midoobay iyo tirakoob ka soo saartay tirada dadka sannadkan lagu dilay Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Ruto oo Digniin adag soo saaray kaddib dibad-baxyadii dadka badan ku dhinteen

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Mohamed Al Hammadi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---