Q/Midoobay iyo tirakoob ka soo saartay tirada dadka sannadkan lagu dilay Somalia

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka rayidka ah ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Somalia sanadkan sii dhamaanaya 2022 halka 948 kalana waa la dhaawacay.

315 kamid ah dhimashada iyo 686 dhaawaca ah, ayaa loo sababeeyay inay la kulmeen walxaha qarxa.

“Kor u kaca khasaaraha dadka rayidka ah ee Soomaaliya, oo ay ugu wacan tahay weerarada kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, ayaa sii xumeeyay xaaladda xuquuqul insaanka iyo bini’aadantinimo ee dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk.

Marka loo eego tirooyinkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa la dilay 948 kalana waa la dhaawacay ilaa iyo hadda sanadkan – tirada ugu badan tan iyo 2017 iyo in ka badan 30 boqolkiiba ayaa kordhay sanadkii hore. Inta badan dhaawacyada, 315 dhimasho ah iyo 686 dhaawac ah, ayaa loo sababeeyay walxaha qarxa, ugu yaraan 94 boqolkiiba waxaa loo aaneynayaa Al-Shabaab. Khasaaraha kale ee ka dhashay ayaa waxaa ka mid ah ciidamada ammaanka dowladda, maleeshiyo beeleed iyo dad kale oo aan la aqoonsan.

“Sanadkan waxa uu si lama filaan ah u keenay hoos u dhac guud oo dhimasho iyo dhaawac ah oo la diiwaangeliyey tan iyo 2017,” ayuu yiri Volker Türk. “Waxaan aad uga walaacsanahay in dad badan oo Soomaali ah ay naftooda ku waayaan maalin kasta.”

“Dhammaan dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh waa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo. Tan waxa kale oo ku jira xubno hubaysan oo dawladda ka barbar dagaallama Al-Shabaab, iyo sidoo kale ciidamada caalamiga ah.” ayuu intaas ku daray.

Volker Türk ayaa baaq u diray dowlada Somalia

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya inay qaaddo dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah – iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka – si loo xoojiyo ilaalinta rayidka, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu Ergaygu hadalkiisa ku daray.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Khasaare kale uu ka dhashay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Al-Shabaab, kii ugu dambeeyay ee 29-kii October ka dhacay agagaarka wasaaradda waxbarashada ee caasimadda Muqdisho, waxaana ku dhintay baa la yiri ugu yaraan 121 qof, 333 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

“Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray dad shacab ah. Weerar hore oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho 21kii Ogosto ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof oo rayid ah 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warbixinta.

Marka laga soo tago in si bareer ah loo bartilmaameedsado dadka rayidka ah, xogtii ugu dambeysay ee xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ay soo aruurisay ayaa sheegaya in bilihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay bur buriyeen ceelal badan, mid kalena ay ku sumeeyeen gobolka Hiiraan, xilli dadka Soomaaliyeed ay soo food saartay dhibaato aad u daran. abaaro ka jira meelo badan oo dalka ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale burburiyay qeyb kamid ah jiinka wabiga Shabelle, guryo, Buundo, Anteenooyin Isgaarsiineed oo naafada ah iyo 11 Iskuul.

“Burburinta caynkaas ah waa mid la canaanan karo, gaar ahaan marka la eego xaaladda adag ee bini’aadantinimo, iyadoo guul darradii isxigxiga ahayd ee shan xilli roobaad iyo barokac ballaaran oo dalka ka dhacay,” ayuu yiri Turk.

“Si ula kac ah loo beegsado dadka rayidka ah iyo burburinta, sidaas oo kale, walxaha aan looga maarmin dadka rayidka ah ayaa ka dhigan dembiyo dagaal marka loo eego sharciga caalamiga ah. Waa inay joojiyaan.”

Madaxa Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee loo qabo isla xisaabtanka xadgudubyada weyn ee sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xadgudubyada halista ah ee sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada – fure u ah ka hortagga hurinta wareegyada xun xun ee rabshadaha

 

- Advertisement -