Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ninkii Guriceel ku dilay C/llaahi Cali Hudeey oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidamadda Amniga Galmudug ayaa Gacanta ku soo dhigay askari lagu eedeynayo inuu dilay Allaha  u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey oo lagu dhexdilay goob ganacsi oo ku lahaa  Degmada Guriceel.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu la dhashay taliyaha Booliska degmada Guriceel.

Ninka lagu eedeynayo dilka oo ah askari ka tirsan ciidanka NISA ayaa magaciisa lagu sheegay C/salaam Cali Axmed.

Waxaa laga soo qabtay Degaanka Baag oo ku dhow Degaanka kale ee Bali-hod halkaasoo uu u baxsaday dilka ka dib sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo intaas ku daray in sharciga lala tiigsan doono.

Dhanka kale, wali waxaan lahayn halkii aay  jaan iyo Cirib dhigeen Dablaydii Dhuusamareeb ku dishay Ganacsato reer Cadaado ahaa kuwaasoo maalin si bareer ah loogu toogtay bartamaha Dhuusamareeb.

 

Related posts

Cabdi Max’uud Cumar oo mar kale la soo taagay Maxkamad ku taalla Addis ababa

Caydiid Ali

Ciidanka DF ee Raaskamboni oo isku dhiibay Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

DFS oo kala hadashay Sacuudiga Soomaali badan oo dil lagu xukumay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---