Abuu Mansuur oo dhagaha ka fureestay Amarkii Dowlada iyo Munaasabad lagu taageerayo oo…

Magaalada Baydhabo  ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa olole xoogan kawada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo isku soo sharaxay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleyno Abuu Mansuur ayaa iska dhaga tiraya amarkii kasoo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ee looga joojiyay in uu u tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa shalay ilaa xalay magaalada Baydhabo ka waday olole xoogan oo dhinaca doorashada, waxa uuna Abuu Mansuur kulamo la qaatay Xildhibaano, Siyaasiyiin , Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo.

Mukhtaar Roobow ayaa dadkii uu la kulmay kala hadlay ololaha doorashada uu wado iyo damaciisa ku aadan in uu Madaxweyne ka noqdo Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka codsaday in ay doortaan.

Dhinaca kale waxaa manta magaalada Baydhabo ka socota Munaasabad balaaran oo lagu taageerayo Musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mnasuur oo horey usoo noqday kuxigeenka Amiirka Al Shabaab .

Abuu Mansuur ayaan wali ka hadlin amarka kasoo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya ee looga joojiyay in uu tartamo, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu Abuu Mnasuur ka hadlo arintan uuna cadeeyo Mowqifkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -