Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fanaanad katirsaneyd Hoobalada Waabari oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadda Shamsa Xuseen Shumey oo kamid aheyd fanaaniinta hoobalada Qaranka Waabari.

Fanaanada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuuno mudooyinkii dambe hayay, waxaana geerida fanaanada xaqiijiyay fanaaniin kamid ah hoobalada Qaranka Waabari.

Shamsa Xuseen Shumey ayaa sanado badan kamid aheyd hoobada Qaranka Waabari, waxa ayna fanaanadan qaaday heeso badan oo isugu jira wadani iyo Jaceyl.

Fanaanadan geeriyootay ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana geerida fanaanada ka tacsiyadeeyay fanaaniin iyo abwaano caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Arusha (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay Dabkii caawa ka kacay Suuqa Hargeysa, baaqna u diray Soomaalida

Cabdi Cade

Dowlad muslim ah oo Eey ugu abaalguday dowlad kale (Sabab cajiib ah)+Sawirro

Caydiid Ali