Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Qaliin fudud ku galay UAE, ka dibna u ambabaxay..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo uu maalmahan ku joogay booqasho aan la sii sheegin.

Xassan Shiikh ayaa sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, kadibna uu halkaasi ku galey qaliin yar oo dhanka garabka looga sameeyay sida uu baahiyey telefishinka Qaranka SNTV

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi kadib si rasmi ah ugu soo laabanaya dalka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo oo ay ugu horeyso dagaalka dalka looga xorreynayo argagixisada Khawaarijta Al Shabaab” ayaa lagu yiri war laga baahiyey SNTV

 

Related posts

Madaxweyne Musaveni oo sheegay in uu Jecel yahay Donald Trump

Cabdi Cade

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay dowladda Nigeria iyo shirkadda Twitter

Cabdi Cade

Wiil yar oo 3 cisho ku xaniban Ceel ku yaalla Afghanistan (Dhacdo la mid ah tii Rayaan)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---