Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay dowladda Nigeria iyo shirkadda Twitter

Malaayiin Nigerian ah ayaa Sabtidii awoodi waayey inay adeegsadaan twitter kadib markii ay dowladda dhaqan-gelisay go’aan ay ku xanibtay howlgalladii shabakaddan ee dalka Nigeria, taasi oo socon doonta muddo aan cayimneyn.

Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Nigeria ee loo soo gaabiyo ALTO ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xubnahooda ay xannibeen gelitaanka twitter, ayada oo loo hoggaansamayo amar kasoo baxay dowladda.

Dowladda Nigeria ayaa Jimcihii sheegtay inay twitter ka xanibeyso dalka ugu dadka badan Afrika kadib markii shirkadda ay tirtay qoraal muran dhaliyey oo uu bartiisa soo dhigay madaxweyne Muhammadu Buhari, kaasi oo ku saabsan dhaq-dhaqaaq gooni u goosad ah oo dalkaas ka jira.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Lai Mohammed ayaa Jimcihii sheegay in saraakiisa dhowladda ay go’aansadeen inay xanibaan twitter sababtoo ah waxaa loo adeegsadaa “dhaq-dhaqaaqyo waxyeeleyn kara jiritaanka Nigeria.”

Mohammed ayaa twitter ku cambaareeyey tiritaanka qoraalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay “In howlgalka twitter ee Nigeria uu yahay mid shaki badan laga qabo,” islamarkaana twitter ay horey isaga indho-tirtay tweet-yo ka dhan ah dowladda Nigeria.

Bilihii dhowaa dad taageersan gooni u goosatada Biafra ayaa lagu eedeeyey inay weerareen dhismooyin dowladeed iyo kuwa boolis. Madaxweyne Buhari ayaa qoraalkiisa twitter wacad ku maray “inuu kula dhaqmi doono luuqad ay fahmaan.”

Twitter ayaa Arbacadii tirtay qoraalka Buhari, oo ay ku sheegtay xadgudub.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii sokeeyey ee 1967 illaa 1970-kii, kaasi oo qarxay markii gooni u goosatada koonfur bari ay isku dayeen inay aas-aasa dal madax-banaan oo lagu magacaabo Biafra, oo ay leeyihiin qowmiyadda Igbo. Buhari oo kasoo jeeda qowmiyadda Fulani ayaa qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah dadka Igbo

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -