Xasan Shiikh: “Dacwada badda waxay taagan tahay halkii aan uga tagnay 4 sano ka hor”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii shalay ka soo baxay Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ee markii 3aad dib loogu dhigay dhageysiga Dacwadda Badda ee u Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay iney nasiib daro tahay in dacwada Badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ay weli taagan tahay meeshii ay dowladiisu uga tagtay afar sano ka hor, aysana jirin wax horumar ah oo illaa hadda laga gaaray.

Waxaa uu sheegay in dacwada ay Somalia ku metelayeen qareeno caalami ah oo ay ka mid ahayd Muno Sharmaa,  isla markaana meesha laga saaray oo ilaa hadda aysan jirin kuwo u dhigma oo lagu bedelay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waxaa uu shaki badan ka muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ogolaatay dib u dhigista dacwadda, isagoona ku eedeeyay iney shacabka been u sheegayso iyadoo tilmaamaysa inay diidanayd dib u dhigista, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dacwada Baddu waxay taagan tahay meeshii aan uga tagnay ku dhowaad afar sano ka hor waxaana dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal ay heshiis ku yihiin markii koowaad, balse markii labaad iyo saddexaad waxaa la aqbalay codsiga Kenya oo kaliya arintaasi sax maahan haddii ay jirto oo dowladeenu diidaneyd dib u dhigista dacwada cadeymaha hala wadaagto shacabka hadal kaliya looma baahna” ayuu yiri Xasan Shiikh Xasan oo shaki ka muujiyey hadalka DF ku sheegtay iney mar walba dooneysay in dacwadu bilaabato.

Waxaa uu ku eedeeyey DF ineysan  shacabka la wadaaagin xogaha ku saabsan halka ay mareyso iyo waxaa ka soo kordha dacwada, taas bedelkeedna ay isku dayeyso iney abuurto cadaawad ka dhexeysa Somalia iyo Kenya si loo marin habaabiyo shacabka.

“Dowladu si ay dadka indhahooda uga leexiso mashaakilaadka yar yar ee ka jira gudaha dalka iyo kuwa waaweyn waxay isku dayeysaa in cadow dibeda la abuuro si ay ugu mashquulaan, waxay leeyihiin xuduuda Kenyaan soo xireynaa, maxay tahay xikmada ku jirta in xuduud la soo xiro iyadoo ciidamada Kenya ay ku jiraan gudaha Somalia” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Waxaa uu xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo deris ah, aana kala maarmin, isagoo qalad ku tilmaamay in arrinta dacwada badda loo adeegsado in lagu xumeeyo xiriirka dowlada Kenya.

HOOS KA DAAWO HADALKA XASAN SHIIKH OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -