Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdigiisa oo soo gunaanaday safarkii Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda aan saaxibka nahay ee Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

 

- Advertisement -