Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada XFS ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Bahrain ee Manama oo uu ka socdo shirka Horumarinta Isgaarsiinta ee wadamada Carabta.
Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU iyo Wasaaradda ay iska kaashan doonaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka.
Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Dr Cosmas Luckyson Zavazava Agaasimaha, Xafiiska Horumarinta ee Isgaarsiinta ee ITU, waxaana goobjoog ka ahaa Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sheekh.
“Dowladda Soomaaliya oo xoojineysaa wada shaqaynta Ururka ITU, Hishiishkaan waxaa looga faa’iideesanayaa in kor loo qaado Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara oo Teknoolojiyadda iyo Dijitaalka ay sal u yihiin”ayuu yiri Wasiir Jaamac.