Allbanaadir.com
NEWS

Weeraro cusub oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee jooga Siiriya & Ciraaq

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu weeraray diyaaradaha drones-ka ama gantaalaha kooxaha ay taageerto Iran ugu yaraan 38 jeer wax ka yar bil, kuwaas oo ay ku jiraan lix weerar oo dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Saraakiisha difaaca ayaa sheegay in inta badan weerarradan ay fashiliyeen ciidamada Mareykanka ama ay ku guuldareysteen inay gaaraan bartilmaameedkooda.

Weeraradaas waxaa ku dhaawacmay 46 askari oo Maraykan ah, waana in ka badan laba jibbaar intii hore loo sheegay, sida lagu sheegay tirokoob uu Isniintii bixiyay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder.

“Dhaawacyadani waxay noqon karaan waxyaabo ay ka mid yihiin firirm, madax-xanuun, dhaga-dillaac, maqal-yari, murgacashada anqawga, iyo sidoo kale dhaawacyo maskaxeed oo naxdin leh.” ayuu yiri Pat Ryder.

Khasaaraha Maraykanka ayaa ka dhashay afar weerar oo kala ahaa: weerar ay diyaarad Drone ah ku qaadday saldhigga hawada Hariir ee Erbil, halkaas oo ay ku burburtay diyaaradda ka hor intii aysan qarxin; Labo weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Al-Asad ee galbeedka Ciraaq, iyo weerar ay diyaarad Drone ah ku qaadday xerada Al-Tanf ee Suuriya.

Ryder ayaa u sheegay suxufiyiinta Isniintii in dhammaan askartii dhaawacantay ay kusoo laabteen shaqada. Si kastaba ha ahaatee, laba ka tirsan ciidamada Maraykan ah ayaa loo diray Xarunta Caafimaadka Gobolka Landstuhl ee Jarmalka si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, si loga daaweyo xanuunka dhimirka.

Ugu yaraan 16 ka mid ah weerarada inta badan aan lagu guuleysan ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ayaa la fuliyay kadib markii ciidamada Mareykanku ay Jimcihii lasoo dhaafay ay weerareen xarun lagu keydiyo hubka iyo rasaasta oo ku taal bariga Suuriya, taasoo Pentagon-ku ay sheegtay inay lahaayeen Iran iyo kooxaha xiriirka la leh.

Related posts

Muran ka taagan Markab Dhuxul lagu daabulayo oo ku xiran dekeda Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan oo ku xiran Mandheera iyo Dambiga loo heesto oo …

Cabdi Cade

(Akhriso) Golaha Midowga Musharixiinta oo ku baaqay Shir deg deg ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---