Wasiirro kormeeray Buunadda Buuloburde oo dhawwaan Al Shabaab qarxiyeen (Sawirro)

Wasiirro katirsan xuukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibano katirsan baarlamaanka federaalka ayaa maanta gaaray degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa hoggaaminaya wasiirada gaaray Buuloburde, waxa ayna wasiiradan kormeer ku tageen buundada magaalada oo dhawwaan la qarxiyay iyo goobo kale.

Mudane Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS Cabdi Nuur Fiidow, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasilinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimamaha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -