Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo qabtay dad badan oo Al Shabaab ku biiri rabay iyo gaari ay wateen

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ciidamada qabteen dad badan oo doonayay in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in ciidamada qabteen 28-xubnood oo ay sheegeen in 25-kamid ah doonayeen in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab, dadkan oo la socday gaari caasi ah ayaa la qabtay xilli ay ka baxeen Afgooye kuna sii jeedeen gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Warka kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay saddex kamid ahaayeen darawalka gaariga iyo labo kirishboy, waxaa sidoo kale dadka Al Shabaab ku biiri rabay ee la qabtay ku jira carruur la sheegay in Al Shabaab loo askareyn rabay iyo rag da’ dhaxaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare hore Rooble oo wax laga xumaado ku tilmaamay Ficilka dowladda Itoobiya

Cabdi Cade

Daawo Video: DF oo jawaab culus soo saartay, Puntland oo Guulo gaartay & Warar kale

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo faahfaahisay go’aano ka soo baxay Shir Madaxeedkii AU

Caydiid Ali
Taboola Ads ---