Wararkii ugu dambeeyey xaalad cakiran oo ka taagan Magaalada Khartuum

Ciidamada ammaanka Sudan ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee Khartoum ka hor dibad-baxyada la qorsheeyay ee lagu xusayo sanad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dibadbaxyadii lagu afgambiyay Madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Mudaaharaadyada lagu raadinayo dimoqraadiyadda ayaa ka bilowday dhowr magaalo iyo magaalooyin kale oo dalkan ah.

Bishii hore, Ra’iisul Wasaare Cabadalla Hamdok ayaa dib loo soo celiyay ka dib markii ay xilka ka tureen militeriga Suudaan.

Shacabka Suudaan intooda badan kuma faraxsanayn in Mr Hamdok uu heshiis la galo militariga, waxay hadda ku baaqayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Ra’iisul wasaaraha Suudaan ayaa sheegay in is-mari waaga siyaasadeed uu halis ku yahay xasilloonida iyo midnimada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -