Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga dalka oo deegaanno dhowr ah kala wareegay Al Shabaab

Howlgal qorshaysnaa oo ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ay maanta ka fuliyeen gobolka Bakool ayey kooxda Al Shabaab ugala wareegeen deegaanno dhowr ah ay ku sugnaayeen.

Ciidankan xoogga dalka oo watay hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa kooxda Al Shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah ay kamid yihiin War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo deegaanka Moorigaabey.

Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/lle Yoonis Adan Xasan oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey deegaannada laga xoreeyey Al Shabaab ay ka wadeen dhibaatooyin ay shacabka u geesanayeen.

Ciidamada xoogga dalka  ayaa howlgalo ka fuliya deegaanno ay Al Shabaab maamulaan, ciidankan ayaana inta badan ku nagaan deegaannada ay ka saaraan Al Shabaab, iyaga oo dib ugu laabta halkii ay ka duullaan tageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Qaayib iyo Dagaal culus oo socda

Cabdi Cade

Wararkii ugu Dambeeyay Xiisad ka taagan Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo la kulmaya…

admin

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Digniin cusub soo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---