Allbanaadir.com
NEWS

Roob xooggan oo ka da’ay Gaalkacyo iyo biyo badan oo magaalada galay (Sawirro)

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay ka da’ay roob xooggan oo biyo badan dhigay inta badan magaalada , waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo ka dhashay roobka.

Sida aan wararka ku helnay roobka ka da’ay magaalada Gaalkacyo ayaa socday saacado badan, waxaana dadka deegaanka sheegeen in dhibcaha biyaha roobka ahaayeen kuwa badan oo misana xooggan.

Xaafado badan oo kuyaalla magaalada Gaalkacyo waxaa galay daadadka ka dhashay biyaha roobka, waxaana biyo badan sidoo kale fadhiisteen waddooyinka magaalada , taa oo adkeysan isku socodka.

Guryo badan oo kuyaalla magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale ku dumay roobka xalay ka da’ay magaaladaasi, dad badan oo guryahooda dumeen iyo kuwa biyo badan usoo galeen ayaa yaalla bannaannada magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay tiro madaafiic ku dhacday xarunta Villa Somalia iyo Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---