Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Axmed Cawad oo u dhoofay Jabuuti iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha magaalada Asmara waxa uuna u dhoofay dalka Jabuuti .

Axmed Ciise Cawad qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka wada hadli doona sidii loosoo afjari lahaa xurgufta ka dhex taagan Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea.

Soomaaliya oo saaxiib dhaw la ah dalka Jabuuti ayaa qeyb ka ah dhax dhaxaadinta la doonayo in laga dhaxsameeyo dowladaha Jabuuti iyo Eritrea oo u dhaxeyso xiisad dhinaca xadka salka ku heysa.

Magaalada Asmara waxaa hada ku sugan Madaxda Wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, waxa ayna Madaxdaasi ku heshiiyeen in dhax dhaxaadin laga dhax bilaabo Jabuuti iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta ansixiyay xeerar kala duwan (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo howl gal hub lagu soo qabtay ka fuliyay guriga Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada federaalka oo ku wajahan Degmada Ceel Waaq iyo Masuul ka hadlay

Cabdi Cade