Duqeyn culus oo xalay laga geystay degaano ka tirsan Koonfurta Somalia

Dayuurado dagaal oo loo malaynayo iney leeyihiin ciidamada Kenya ayaa xalay saqddii duqeeyey degaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

Ilo wareedyo ku sugan gobolkaas ayaa ku waramay in degaanada la duqeeyey uu ka mid yahay Ceel-cadde oo labo sano ka hor Al-shabaab ay ku laayeen ciidamo fara badan oo Kenyan ah.

Sidoo kale, duqeynta ayaa la soo sheegayaa iney saameysay degaano ku dhow Ceel-cadde oo ay ka mid yihiin Qansax-oomane, Maka iyo qaar kale.

Goob googayaal ayaa sheegaya iney xalay saqdii dhexe maqlayeen guuxa dayuuradaha duqeynta fulinayey iyo qaraxyo waaweyn oo ka dhashay madaafiicda ay duqeynta u adeegsanayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymahan lala beegsaday fariisimo ay leeyihiin Xoogaga Al-shabaab inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

War Al-Shabaab ay baahisay ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday Ceel-cadde ay aheyd mid aad u xoog badan oo saacado socotay, iyagoo intaa ku daray iney geysatay burbur iyo dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Kenya ayaan illaa hadda ka hadlin weerarkan dayuuradaha dagaal ay ka fuliyeen xalay degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -