Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Gardhuub oo isku soo dhiibay ciiddanka Dowladda kana hadlay Sababta ku kaliftay

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dagaalyahan katirsanaa kooxda jabhadaha Al Shabaab, kaa oo kasoo goostay kooxdii uu katirsanaa iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda.

Xasan Xuseen Ibraahim oo Magaca afgarashada Al Shabaab loo yaqaanay (Gerdhuub) oo ka tirsanaa ayaa Isku soo dhiibey ciiddanka xoogga dalka, gaar ahaan Qeybta 60aad.

Ninkam ayaa sheegay in mudo 5-Sano Al Shabaab katirsanaa ,waxa uuna xusay in uu u qaabilsanaa jamhada ,isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhawr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay iyo Jubbada Hoose.

Xasan Gardhuub ayaa sheegay Sababta ku kaliftey in uu kasoo baxo kooxda Al Shabaab ay ka dhalatay dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo mid ay u geysaneyaan Shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Ugu dambeyn ninkan wuxuu Baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku jira kooxda Al Shabaab in ay isaga soo baxaan oo ay Isku soo dhibaan ciiddanka dowladda.

Related posts

Hogaamiyaha SSC oo dhagax dhigay shan Mashruuc

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay guriga uu degnaa Guddoomiye Nuux Xasan iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Netanyahu oo ka hadlay sida loo sii deynayo Maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---