Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha SSC oo dhagax dhigay shan Mashruuc

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta caasimadda Gobolka Cayn ee Buuhoodle ka dhagax-dhigay Xarumo dawladeed oo muhiim ah. Xarumaha maanta la dhagax-dhigay ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. Xarunta degmada
  2. Xarunta iyo gaadiid Ciidanka Xasilintu leeyihiin
  3. Guriga Gobolka
  4. Taliska Asluubta
  5. Xarunta Maxkamadaha

Xarumahan ayaa isugu jira kuwo ku dhawaad 30 sano dad shacab ahi gacanta ku hayeen haddana ay Dawladda kusoo wareejiyeen iyo kuwo dhul ah oo dawladda lagu wareejiyey. Dhulalkan ayaa dhammaantood Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo dib u dhisku si buuxda ula wareegay. Sidoo kale waxaa gooobta joogay xubno ka tirsan labada gole ee dawladda, Taliska Booliiska iyo Maamulka gobolka iyo kan degmada. Dhulalkan hantida guud ayaa qaarkood dhismahoodu meel gebogebo ah marayaa.

Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa ku ammaanay muwaadiniintan dawladdooda kusoo wareejiyey dhulalkan si shacabkooda loogu adeego, sidoo kale ugu baaqay in lagu daydo oo qofkii haya dhul danta guud ah iyo iyo haddii ay jirto cid rabta in dhul cusub  dawladooda ku wareejiyaan. İsaga oo ballan qaaday in ka xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan horumarinta goobaha hantida dadweynaha iyo ilaalintoodaba.

Related posts

Ugaas Caan ah iyo nin ilaalo u ahaa oo lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino laga helayo

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo la kulmay Wefdi uu hogaaminayay Francisco Madeira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo gaaray Shiinaha si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---