Dalxiisayaal badda u quusay aragtida Markabkii Titanic oo la la’yahay (Sawirro)

Ciiddamada samata bixinta ee Maraykanka iyo Canada ayaa dedaal ugu jira sidii loo heli lahaa Gujis kuwa dalxiiska ah oo ay saarnaayeen 5 qof oo Badda u galay si ay u soo arkaan haraaga Markabkii caanka ahaa ee Titanic ee quusay sannadkii 1912kii oo haatan laga joogo wax ka badan 110 sano

Dadkan u dalxiiska tegay gunta hoose ee Badweynta Atlantic ga oo ahaa maalqabeenno midkiiba laga qaaday lacag dhan 250,000 Kun oo Dollar ayaa la raadinayey tan iyo maalinkii Axaddii iyadoo aan ilaa haddana la helin.

Kooxaha gurmadka wada ayaa ka dayrinaya xaalka dadkan Badda hoosteeda ku lumay iyada oo si gaara looga cabsi qabo inay ka dhamaato haamaha Oxygenta ee ay wateen kuwaasoo loogu tala galay inay muddo kooban adeegsadaan.

Dad badan oo waddamada reer Galbeedka ku dhaqan ayaa marar badan gala safarro dalxiis oo marka dambe halis geliya noloshada taasoo ay ku bixiyaan lacag aad fara u badan.

Safarkan ayaa loo qorsheeyey 5 saacadood oo gujisku hoos u galayo badda meel hoos u qodan 3,800 oo mitir, si ay u soo arkaan markabkii Titanic, hase ahaatee waxay haatan badda ku maqan yihiin muddo ka badan 48 saacadood.

Kooxo ka kala socda Maraykanka, Canada iyo Faransiiska oo isticmaalaya diyaarado iyo maraakiib ayaa baaraya in ka badan 10,000 oo mayl oo laba jibaaran (25,900 square km) oo ah bad furan, taasoo qiyaas ahaan le’eg dalka Lubnaan ama gobolka Massachusetts ee Maraykanka, iyagoo baadi goobaha gujiskan yar oo weli la yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -