Milatariga Isreal oo Gaza ku daadiyay Warqado codsi iyo ballanqaadyo isugu jira

Ciidamada milatariga Israel ayaa isku dayaya sidii ay ku gali lahaayeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamadan doonayaan in ay xoog kusoo furtaan dadka Isreal kasoo jeeda ee xoogga ku heestaan kooxda Xamaas.

Milatariga Isreal ayaana waqooyiga magaalada Gaza ku daadiyay warqado ay dadka kaga dalbanayaan in ay xog ka siiyaan halka kooxda Xamaas ku hayaan dadka u afduuban , waxa ayna dadka u ballan-qaadayeen lacago iyo nabad-galyo.

“Haddii doonistaadu tahay inaad nabad ku noolaato oo aad mustaqbal wannaagsan u heshid caruurtiina, si degdeg ah u samee hawsha bini’aadantinimo oo nala wadaag macluumaadka la hubo ee muhiimka ah ee ku saabsan dadka lagu haysto degaankaaga.” ayey Isreal ku qoreen warqadaha ay ku daadiyeen Gaza.

Warqada ay daadiyeen milatariga Isreal oo lagu daabacay af Carabi ayaa sidoo kale loogu ballan-qaaday dadka in la siin doono abaal-marin lacageed iyo sidoo kale la qarin doono xogtooda lana siin doono damaanad qaad amni.

“Militeriga Israa’iil wuxuu kuu xaqiijinayaa inay ku bixin doonaan dadaalka ugu badan si ay u sugaan ammaanka adiga iyo gurigaaga, waxaadna heli doontaa abaal-marin maaliyadeed. Waxaan kuu dammaanad qaadaynaa inaan si buuxda u qarinno sirtaada”ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa afduub ahaan u heesata in ka badan 200-qof oo Israa’iiliyiin ah , kuwaa ay ka afduubteen deegaanno kuyaalla dhulka Israel xoogga ku heesato 7-dii bishan October.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -