Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Ciidul-fitriga, shacabka Soomaaliyedna hambalyo u diray

Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan munaasabada ciidul fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay caawa bilatay bishii Shawaal.

Farmaajo ayaa ugu duceeyey shacabka Soomaaliyeed inuu ILAAHAY ka aqbalo waajibaadkii bisha Ramadaan ee ay soo guteen, isagoo arrimahan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaasoo u qornaa sidatan:-

Bismillaah. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee aan gudannay, gaar ahaan intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Munaasabaddan barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed, waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, lagana wada shaqeeyo danta guud oo amnigu ugu horreeyo. Sdoo kale waxaa muhiim ah in aan ilaalinno midnimada iyo wadajirkeenna, kuwaas oo dhammaantood tiir-dhexaad u ah waajibaadka ay ina farayso diinta suubban ee Islaamka.

Waxaan idin ka codsanayaa, dhammaanteen in aan gacmaha isqabsanno oo ka shaqayno sidii aan uga rumeyn lahayn himiladeena iyo hiigsigeenna ku aaddan dib u dhiska dalkeenna iyo dowladdeenna.

Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu ciiddan ciiddeeda innagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar ballaaran.

CIID MUBAARAK

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -