Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Gantaal oo lagu qaaday Saldhig ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka …

Wakaalladda Wararka caalamiga ee REUTERS ayaa goor dhow baahisay in gantaal lagu weeraray saldhiga ciiddanka cirka Cayn Al-Asad ee gobalka Ambar ee Galbeedka dalka Ciraaq.

REUTERS waxay ka soo xigatay Ilo Milliteri in duqeyntaasi lagu garaacay xerada ay joogaan milatariga Mareykanka, kadib in daryanka qarax weyn laga maqlay gudaha Ssaldhigaasi ciidamada joogaan.

Warar kale ayaa sheegay in 3 Gantaal lagu duqeeyey saldhiga, inkastoo aan ilaa haatan la soo tebinin Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi oo ay soo tuureen maleeshiyo taabacsan dowladda Iran iyo Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Shalay ayey ahayd, markii diyaarad nuuca aan duuliyaha wadin ee Daroon ah ku burburtay gudaha isla saldhiga (Ain al-Assad base) ee galbeedka Ciraq, sida ay soo tebisay Wakaallada Wararka ee AFP.

Kooxda hubeysan ee Iska Caabinta Islaamiga Iraq (The Islamic Resistance in Iraq) ayaa sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi, sida lagu soo daabacay Barta Telegram Channel ee ay adeegsadaan Kooxaha Hubeysan ee taabacsan Milliteriga Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran.

Tan iyo Arbacadii la soo dhaafay waxaa 5 jeer Diyaaradaha Daroonka lagu weeraray saddex Saldhig oo ay Milliteriga Maraykanka iyo Isbahaysigooda ku leeyihiin dalka Iraq, kuwaasi oo kala ah: Saldhiga Cayn Al-Asad, Al-Harur Base iyo Xero Milliteri oo u dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Baqdaad.

Maraykanka waxaa ka jooga dalka Iraq Ciiddamo tiradooda dhan tahay 2,500 Askari, kuwaasi oo deggan 3 Saldhig oo ku kala yaalla Galbeedka, Waqooyiga iyo Caasimadda dalkaasi ee Baqdaad.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Dunida Caan ka ah oo ka qeyb galay Jiliinka Filim Cusub

Cabdi Cade

Jeneraal Xuud oo ka hadlay Safarka Cali Guudlaawe ku tagayo Baladweyne Hanjabaadna diray

Cabdi Cade

Markabkii MV RUEN oo xoog lagu soo furtay & 35 Burcad-baddeed Soomaali ah oo isdhiibtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---