Jeneraal Xuud oo ka hadlay Safarka Cali Guudlaawe ku tagayo Baladweyne Hanjabaadna diray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in maanta gaaro magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo marar badan ka dhaceen kacdoono isaga looga soo horjeedo loona diiday in uu cagta soo dhigo.

Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo ku sugan Muqdisho heshiis hoosana la galay Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo horjeestay safarka la sheegay in Cali Guudlaawe ku tagayo magaalada Baladweyne.

Xuud oo xalay xilli dambe warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si adag uga hor yimid in Cali Guudlaawe tago magaalada Baladweyne iyada oon lawada hadlin lagana heshiin tabashada uu tilmaamay in ay qabaan shacabka Hiiraan.

Waxa uu cadeeyay Jeneraal Xuus in marmaba Cali Guudlaawe uu Baledweyne ku tegi karin si qasab ama awood ah, waxa uuna xusay hadii la isku dayo in Cali Guudlaawe Baladweyne uu tago wixii ka dhaca uu masuuliyadeeda uu qaadayo.

Jeneraal Xuud ayaana dalbaday in ciidamada dowlada iyo kuwa Hirshabelloe ee lagu daadiyay magaalada Baladweyne dib loogu celiyo xerada lamagalaay, waxa uuna sheegay in aan la caburin karin shacabka awoodna loo sheegan karin.

Hoggaamiyaha kacdoonka ka dhanka ah Cali Guudlaawe Jeneraal Xuud ayaa ku hanjabay in hadii la diiday in la wada hadlo ay yaqaanaan sida loola dhaqmo Maamulka Hir-Shabeelle  ayna tusayaan awoodda ay leeyihiin dadka kunool Gobolka Hiiraan.

Hanjabaada kasoo yeertay Jeneraal Xuud ayaa kusoo aadeysa xilli saakay lagu wado in magaalada Baladweyne tago Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo marar badan loo diiday in uu tago magaaladaasi uu horey u shaaciyay in lagu caleemo saarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -