Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay caruurtii uu ka geeriyooday Weriye Cawil Daahir (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa Villa Somalia kula kulmay qaar ka mida caruurtii uu ka geeriyooday weriye Cawil Daahir Salaad.

“Waxaa maanta i soo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad. Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil waxay naga mudan yihiin in la maamuuso. Argagixisada dilaysa haldoorka Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo meel uga soo wada jeesannaa..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo kulan wada sheekeysi ah la yeeshay saddex ka mida wiilasha marxuumka.

Weriye Cawil Daahir ayaa ka mid ahaa dad ka badan 20 qof oo ku naf waayey qarax ismiidaamin ah oo maalmo ka hor magaalada agagaarka tiyaatarkii hore ee Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shir Muhiim ah oo u furmay Dowladda Somalia & Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF

Caydiid Ali

Kulan xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia iyo golaha cusub ee Wasiirada oo..

Caydiid Ali

Dowlad degaanka Soomaalida oo 4 qodob ka soo saaray kala dirida Ciidanka Liyuu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---