Allbanaadir.com
NEWS

Xubno badan oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta lagu soo bandhigay dagaalyahanno badan oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab, kuwaa oo isku soo dhiibay ciidanka Koonfur Galbeed.

Taliska ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed ayaana soo bandhigay 14-xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab , waxaana kooxdan lagu hayaa goob gaar ah oo kutaalla magaalada Baydhabo.

Raggan kasoo goostay kooxda Al Shabaab ee lasoo bandhigay ayaa sheegay in si iskood ah uga soo tageen kooxdii ay katirsanaayeen, waxa ayna xuseen in Al Shabaab intii ay la joogeen la kulmeen dhibaatooyin badan ayna kooxdaasi diinta ka been sheegeen.

Magaalada Baydhabo iyo magaalooyin kale ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay xubnaha kasoo goosanaya kooxda Al Shabaab, waxaana soo baxsashada xubnaha katirsan Al Shabaab imaaneysa xilli dagaallo culus wajahayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiiska dilkii loo geystay Marxuum Axmed dowlo oo dad cusub loo soo xiray

Caydiid Ali

Heshiis dhexmaraya dowladaha hoose ee Muqdsho iyo Konyo oo la ansixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo Magaacabay heerarka kala duwan Garsoorka Hirshabelle (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---